Hawlwadeennada AUSSOM ayaa sare u qaadey xirfadahooda xagga xuuraan ururinta

Muqdisho, 6da Maarso 2025 – Lix-iyo-toban askari oo isugu jira Militari iyo Booliis oo ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa khamiistii soo gabagabeeyay tababbar socday muddo shan maalmood ah oo kor loogu qaadayo xirfadahooda xuuraan ururinta si loola dagaallamo argagixisada.

Tababarkan oo ay fududaysay Kooxda Taageerada Hawlgalka ee Boqortooyada Ingiriiska (UK-MST), ayaa lagaga hadlay mawduucyo kala duwan oo ay ka mid yihiin qiimaynta khatarta, maareynta macluumaadka, go’aan gaarista sirdoonka iyo wareegga sirdoonka. Mawduucyada dheeriga ah ee laga hadlay waxaa ka mid ahaa ururinta xogta, kaydinta diiwaannada hawlgallada, hawlgallada Sahanka Sirdoonka (ISR), sharciga bani’aadamnimada ee caalamiga ah iyo warbixinta sirdoonka.

Sarkaalka Hogaaminaya hawlaglak UK-MST, Gaashaanle Dhexe Chris Charnock ayaa ku booriyay ka qaybgalayaasha in ay ka faa’iidaystaan ​​aqoonta ay heleen si ay ugu guulaystaan ​​hawlgallada guutooyinkooda.

“Waxaa aasaas ah in waxa aad u soo gudbiso sirdoonku in si wanaagsan looga fakaray oo uu yahay mid adag. Si wanaagsan uga faa’iidaysta aqoonta aad ka korodhsateen tababbarkan si aad u gaarsiisaan adeegga ugu wanaagsan ee taliyeyaashiinna,” ayuu yiri G. Dhexe Charnock.

Sarkaalka Qaybta Koowaad ee Sirdoonka Milliteriga ee AUSSOM, Gaashaanle Frank Otafiire, ayaa sheegay in tababbarkan gaarka ah uu sare u qaadi doono awoodda saraakiisha si ay u bixiyaan taageero wax ku ool ah si loogu guuleysto hawlgallada safka hore.

“Sirdoonka militarigu waa kaliya in uu bixiyo macluumaad habboon, sax ah, waqti ku haboon kaas oo taageera hababka go’aan qaadashada militariga, oo u suuragelinaya taliyaha in uu qaado tillaabada ku haboon marka ay xog siiyaan dad karti u leh oo u tababaran oo fahmaya jawiga hawlgallada oo oggaan kara khataraha ka iman kara goobaha ay ka howlgalaan,” ayuu yiri Gaashaanle Otafiire.

Ka qaybgalayaashu waxaa ay qaddariyeen muhiimadda uu u leeyahay tababbarkan gaarka ah taageeridda waajibaadka AUSSOM ee hoos u dhigista awoodda Al-Shabaab iyo ka qayb qaadashada dadaallada xasilinta Soomaaliya.

“Maadaama aan tababbarkan qaadanay, waxaan hadda awood u yeellan doonnaa inaan qorshayno hawlaheenna, waddooyinkeenna oo aan si fiican u soo ururinno macluumaadka la xiriira ka hor inta aan dibadda loo bixin,” ayay tiri Taliye Ku-xigeenka Booliska (DSP) Marie Elizabeth Koroma, oo ka socota dalka Sierra Leone.

Xiddigle Promise Muhereza oo u dhashay dalka Uganda, oo ah ka qaybgale kale, ayaa yiri: “Sarkaal sirdoon ahaan, waxaan xirfadaha aan ka bartey tababarkan u adeegsan doonnaa soo ururinta xogta muhiimka ah ee ku saabsan Al-Shabaab iyo xog kastoo kale oo uu taliyahayga u baahan yahay si ay uga caawiyaan qaadashada go’aannadiisa ugu dambeeya.’’

Share this content