Jowhar, 6-da Febraayo 2025 – Saddex-iyo-labaatan askari oo Buruundees ah oo Hawlgalka Xasillinta iyo Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ka tirsan ayaa waxay dhammeysteen tababbar degdeg ah oo saddex-toddobaad socday oo kor loogu qaadayay kartidooda ku aaddan yareynta halisaha Walxaha Qarxa ee Macmalka ah (IEDs) ee hawlgallada taageerada nabadda.
Koorsadan oo ay fududeysay Hay’adda Miino Baarista ee Qaramada Midoobay (UNMAS), ayaa waxaa diiradda lagu saarey baarista jidadka iyo Tallaabooyinka Ka-hortagga Elektarooniga ah si loogu xoojiyo ka-qaybgalayaasha xirfadaha aasaasiga ah iyo aqoonta lagu sii wanaajinayo dadaallada nabad-dhiska.
“Hirgelinta Tallaabooyinka Ka-Hortagga Elektarooniga ah ayaa waxaa ay kor-u-qaadi doonaan faa’iidada xeeladeed ee ciidamadeenna ee roondooyinka iyo ka hortagga walxaha qarxa ee macmalka ah ee cadowga (IEDs) ee goobaha la tuhunsan yahay,’’ ayuu yiri Taliyaha Qaybta 5aad ee AUSSOM, Korneyl Oscar Hatungimana intii ay socotey xafladda xiritaanka ee ka dhacdey Garoonka Diyaaradaha Jowhar ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle.
“Qalabka, oo loogu talagalay in ay askarta ku qaataan boorsada dhabarka la saarto oo la waafajin karo isticmaalka heer-unug, ayaa ah faa’iidada muhiimka ah.”
Kornayl Hatungimana ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda uu tababbarka u leeyahay taageeridda dadaallada ciidamada Midowga Afrika iyo Ciidamada Amniga ee Soomaaliya ee ay kula dagaalamayaan halista Walxaha Qarxa ee Macmalka ah (IED), oo ah xeelad ay si joogto ah u adeegsaaan Al-Shabaab, kuwaas oo badanaa aaladahan geliya Waddooyinka Sahayda ee Waaweyn (MSRs).
Wuxuu hay’adda UNMAS uga mahadceliyay iskaashiga joogtada ah, isaga oo hoosta ka xariiqay waxyaabaha qiimaha leh ee ay ku biirriyaan hirgelinta wax-ku-oolka ah ee waajibaadka AUSSOM.
“Waxaan si aad ah u qaddarinaynaa caawimaadooda, oo aan tababbar kaliya ku koobneyn balse ay sidoo kale ka mid tahay bixinta qalab aasaasi ah,” ayuu hadalkiisa raaciyay Korneyl Hatungimana, isagoo ku boorriyay ka qaybgalayaasha in ay u adeegsadaan xirfadaha cusub ee ay bartaan fulinta ujeeddooyinka hawlgalka.
Jardan Garland, Sarkaalka UNMAS u qaabilsan Hawlgallada iyo Tayo Xaqiijinta, ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay in ciidamada awood loo siiyo xirfadaha muhiimka ah ee lagu oggaanayo loogana hortagaya halisaha IED ee ay maleeshiyada Al-Shabaab maleegayaan.
Tababbarka wuxuu ku saabsanaa aqoonsiga IED, ka hortagga (neutralization), iyo farsamooyinka is-ilaalinta, oo ay ku jiraan hababka baarista jidka iyo kala-soocidda qaybaha iyo noocyada IED.
Saddex Alifle Tuyisengere Révérien, oo tababbarka ka qaybqaatey, ayaa muujiyay rabitaankiisa in uu adeegsan doono aqoonta iyo xirfadaha cusub ee uu dhowaan bartey fulinka waajibaadka hawlgalka.
AUSSOM iyo UNMAS ayaa iska kaashada sii wanaajinta awoodda nabad ilaaliyaasha iyagoo u siinaya qalab iyo tababbar, ujeeddadoodu tahay oggaanshaha iyo ka takhalusidda walxaha qarxa ee macmalka ah oo halis weyn ku haya bedqabka ciidamada militeriga iyo dadka shacabka ah.