Ku Saabsan AUSSOM

AUSSOM

Hawlgalka Xasillinta iyo Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) waa hawlgal taageero nabadeed, dhinacyo badan leh oo uu Midowga Afrika hoggaamiyo waxaanna ansaxiyay Qaramada Midoobey. Hawlgalka cusub waxaa taageeray Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika markay taariikhdu ahayd 1-d Agoosto 2024 waxaanna xigay in uu oggolaaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) markay taariikhdu ahayd 27-ka Disembar 2024, sida uu dhigayo Qaraarka Tirsigiisu yahay 2767, iyadoo muddada bilowgana ay tahay 12 bilood.

Hawlgalka AUSSOM wuxuu beddelayaa Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loo yaqaano African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) wuxuunna dhaqangalayaa 1-da Jannaayo 2025, isaga oo leh waqtiyada ku qeexan Fikradda Hawlgallada (CONOPs) ee dib loo saxay iyo Warbixinta Sida Wadajirka ah loo soosaarey.

Waxaa uu diiradda saari doonnaa mudnaanaha xasillinta, amniga iyo qaran-dhiska, isaga oo hiigsanaya in uu si buuxda ugu wareejiyo mas’uuliyadaha amniga ciidamada ammaanka Soomaaliya marka ay taariikhdu tahay bisha Disembar 2029. Hiigsigan ayaa lagu gaari doonna hab wejiyaysan oo afar marxaladood ka kooban, iyadoo si taxaddar leh loo tixgelinayo xaaladda gaarka ah ee Soomaaliya.

AUSSOM waxaa la filayaa in uu dalka keeno ciidamo guur-guura oo aad u fudud si ay ciidamada ammaanka Soomaaliya uga taageeraan dadaallada ay ugu jiraan in ay wiiqaan awoodda Al-Shabaab iyo kooxaha xiriirka la leh ISIL/Daacish, iyo kor-u-qaadista xasilloonida Soomaaliya.  Hawlgalka cusub wuxuu la jaanqaadayaa Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya (SSDP) iyo Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka (NSA).

Hawlgalka AUSSOM wuxuu ka koobnaan doonaa qaybo militeri, madani iyo mid boolis, si loo fududeeyo hirgelinta waajibaadkiisa lagu taageerayo qorshaha SSDP. Waxaa ayna ka koobnaan doonaan Dalalka Ku Deeqaya Ciidamo Boolis iyo Militeri isugu jira oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) oggolaatey.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay (UNSC) wuxuu Midowga Afrika (AU) ku waajibinayaa in uu geeyo 11,826 oo ciidamo direys xiran ah, oo ay ka mid yihiin 680 askari oo boolis ah, ilaa iyo 31-ka Disembar 2025, wuxuunna ayiday go’aanka Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AU PSC) qaatey ee ah in ciidamada laga dhimo 800 askari dhammaadka bisha Disembar 2025.

Soomaaliya waxaa ay mudnaan-siin doonta hirgelinta qorshayaasha SSDP iyo NSA, iyadoo diiradda saareysa dhismaha ciidamo amni awood leh, is-wadi kara, la awoodi kara oo lala xisaabtami karo.  Arrintan waxay fududeynaysaa wareejinta nidaamsan ee mas’uuiyadaha amniga ee laga wareejinayo AUSSOM loona wareejinayo ciidamada Soomaaliya.

Midowga Afrika wuxuu sameyn doonaa qaab-dhismeed talis qeexan oo loogu talagalay AUSSOM, oo lagu xaqiijinayo go’aan-qaadasho la isuduway oo hoos imaanaya Taliyaha Ciidanka iyo Taliyayaasha Qaybaha. Qaab-dhismeedkan waxaa ka mid noqon doonna la-xisaabtanka unugyada hawlgalka suuragelinaya, sida hantida, hawada, iyo hawlgelinta istiraatiijiga ah ee ciidamada guurguura si loo sii wanaajiyo taabogalnimada hawlgalka.

Share this content