Dardargelinta Waxqabad, AUSSOM ayaa xustay Maalinta Haweenka Caalamiga ah

Muqdisho, 8da Maarso 2025 – Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa xusay Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka si loo aqoonsado waxyaabaha qiimaha leh ee haweenka nabad-ilaaliyayaasha ah ay ku biirriyeen horumarinta nabadda iyo amniga Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika.

Dabbaaldega xamaasadda leh ee ka dhacay Xarunta Taliska Guud ee Ciidamada AUSSOM ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa halku dhig looga dhigay “Dardargelinta Waxqabadka: Xuquuqaha, Sinnaanta, iyo Awoodsiinta dhammaan Haweenka iyo Gabdhaha”.

Taliyaha Ciidamada AUSSOM, Sarreeye Guud Sam Kavuma, oo munaasabadda guddoominayay, ayaa ku nuux-nuuxsaday doorka muhiimka ah ee haweenku ku leeyihiin hawlgallada nabad-ilaalinta, isagoo carrabka ku adkeeyay in ka-qaybgalkooda firfircoon ay lagama maarmaan u tahay in la helo nabad waarta.

“Waxaan doonayaa in aan u mahadnaqo hoggaamiyayaasha haweenka ah ee ka tirsan hawlgalkan iyo kuwa ku fadhiyay kursiga wadista hawlgalkan,” ayuu yiri Sarreeye Guuto Kavuma, isagoo sheegay in ‘’mawduuca maalintan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dunidu ay u dabbaaldegayso 25 sano tan iyo markii la ansixiyay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 1325 ee ku saabsan ka qaybgalka haweenka ee arrimaha nabadda iyo amniga’’.

Sarreeye Guud Kavuma ayaa dib u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay AUSSOM inay sare u qaaddo ka qaybgalka haweenka ee nabad-dhisidda iyo go’aan qaadashada, oo ay ku jirto la shaqaynta haweenka Soomaaliyeed si loo horumariyo xalal nabadeed oo waara.

Taliyaha Ciidanka Booliska AUSSOM, Kaaliyaha Baaraha Guud ee Booliska (AIGP) Hillary Sao Kanu, ayaa muujisay doorarka kala duwan ee haweenka nabad-ilaaliyayaasha, kuwaas oo kala shaqeeya ragga ay wada-shaqeeyn hawlaha kala duwan, oo ay ku jiraan tababbarka, la-talinta, waajibaadyada ilaalada, ilaalinta VIP, wadista baabuurta, injineernimada, taageerada farsamada, iyo daryeelka caafimaadka, iyo kuwo kale.

“Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika, haweenku waxay door muuqda ka ciyaaraan dhisidda bulshooyinka, xallinta khilaafaadka iyo kobcinta wadajirka qaranka. Waxaan rabnaa in aan u mahadcelino haweenkeenna geesiyaasha ah ee gacanta ka geysta hawlgalladeenna,” ayay tiri.

AIGP Kanu ayaa ku baaqdey tallaabo degdeg ah oo wax looga qabanayo caqabadaha hortaagan sinnaanta haweenka, awood-siinta, ka-qaybgalka nabad-dhisidda, amniga iyo go’aan-qaadashada, iyadoo carrabka ku adkeeysay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda haweenka si loo gaaro bulsho caddaalad ah oo xasilloon.

Iyada oo qayb ka ah hawlaha lagu xusayo maalintan, haweenka ka tirsan Booliska AUSSOM ayaa agab kala duwan oo muhiim ah ugu deeqay Xarunta Agoomaha iyo Dhaqancelinta Carruurta Booliska Soomaaliyeed ee Muqdisho iyaga oo u marsiiyay ururkooda.

Agabka ayaa isugu jiray agab musqul, sahay cunto, cabitaanno iyo dhar. Tabarucaadda waxaa ka faa’iidi doonna carruurta ku nool xarunta agoomaha. Xaruntu waxay xanaano iyo hoyba siisaa carruurta ay dhaleen ciidamada booliska Soomaaliyeed ee dhintey iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo.

AIGP Kanu ayaa agabka ku wareejisay Agaasimaha xarunta agoomaha, Xiddigle Xaliima Sacdiya.

“Waxaan jeclaan lahaa in aan AUSSOM ugu mahadceliyo deeqdan raashinka iyo dharka ah ee ay na soo gaarsiiyeen. Sanadihii la soo dhaafay, haweenka nabad ilaaliyayaasha ah waxay had iyo jeer taageeri jireen agoonta,” ayay tiri Xiddigle Xaliima, iyadoo muujisay xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Booliska AUSSOM.

Saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada AUSSOM oo isugu jira militari iyo boolis ayaa ka soo qeybgalay munaasabadda, waxaana ka mid ahaa Taliye Ku-xigeenka Ciidanka ee dhanka Hawlgallada iyo Qorsheynta, Sarreeye Gaas Marius Ngendabanka; Taliye Ku-xigeenka Ciidamada Booliska, Martin Amoru iyo Sarkaalka Habdhaqanka iyo Anshaxa, Josephine Njeru. 

Share this content