(English) AU Appoints Ambassador El Hadji Ibrahima Diene “Boly” as New SRCC and Head of AUSSOM

Muqdisho, Soomaaliya—28 Luulyo 2025: Danjire El Hadji Ibrahima Diene “Boly” ayaa si rasmi ah u billaabay xilka Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka AUSSOM.

Wakiilka cusub ayaa maanta gaaray Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan Hawlgalka AUSSOM iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya. Martidii ka qeybgashay soo dhoweyntiisa waxaa ka mid ah Ku Xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Isaaq Maxamuud Mursal, Ku Xigeenka Wakiilka Gaar ah ee Midowga Afrika, Danjire Mouktar Osman Karie; Taliyaha Ciidanka AUSSOM, S/Guud Sam Kavuma; Ku Simaha Taliyaha Ciidanka Booliska, ACP Samuel Osiedu Okanta; iyo Madaxa Ilaalinta, Xuquuqda Aadanaha iyo Qaybta Jinsiga, Dr Cumar Cabdulle Calasow.

Danjire Diene wuxuu waayo-aragnimo baaxad weyn leh u leeyahay xilka loo igmaday, isagoo horey gudaha iyo dibadda Senegal ka soo qabtay xilal kala duwan oo farsamo, hawlgaleed iyo istaraatijiyadeed. Khibraddiisa ballaaran ayaa u suurtagalisay inuu ka soo shaqeeyay goobo colaad iyo dhibaatooyin kale oo ka dhacay Galbeedka, Bartamaha iyo Bariga Afrika, sida inuu si firfircoon uga qeybgalay hawlgallo nabadeed oo ka jiray Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Congo, Syria iyo Mali. Wuxuu sidoo kale ka shaqeeyay hawlgallo siyaasadeed oo khaas ah sida Xafiiska Gobolka ee QM ee Bartamaha Afrika (UNOCA).

Wuxuu haystaa dhawr shahaadooyin jaamacadeed ee heerka labaad iyo dibloomooyin ku saabsan cilmiga milatariga, culuumta siyaasadda, culuumta dhisidda iyo duulista diyaaradaha iyo maareynta barnaamijyada.

Share this content