Midowga Afrika oo Danjire Mouktar Osman Karie u magacaabay Ku Xigeenka Cusub ee Madaxa AUSSOM

Muqdisho – Danjire Mouktar Osman Karie ayaa billaabay xilkiisa cusub ee dhowaan loo magacaabay ee Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya, ahna Ku Xigeenka Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), isagoo xoojin doono joogitaanka hoggaanka Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Markii uu ka dagay Muqdisho, Danjire Karie waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya, sida Ku Xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Isaaq Maxamuud Mursal, Wasiiru Dawlaha Gaashaandhigga, Cumar Cali Cabdi iyo Wasiiru Dawlaha Amniga Gudaha, Maxamed Cali Xagaa, iyo sidoo kale mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan AUSSOM.

Danjire Karie ayaa leh waayo-aragnimo dibloomaasiyadeed iyo siyaasadeed oo baaxad weyn leh, isagoo ka hawlgalay qeybo badan oo ka tirsan Afrika. Xilkiisii ugu danbeeyey ayaa ahaa Isku Duwaha Xafiiska Gobolka ee Galbeedka Afrika ee Guddiga Midowga Afrika, isagoo la shaqeyn jiray dalalka xubnaha ka ah iyo ururrada gobolka, isla markaasna gacan ka gaystay dadaallada Midowga Afrika ee kalaguurka siyaasadda iyo caqabadaha dawladnimo ee gobolka ka jira.

Xilkaas ka hor, wuxuu jagooyin sarsare ka qabtay Waaxda Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika, isagoo door ku lahaa naqshadda iyo isku duwista  nidaamyada iskaashiga amniga ee gobolka ee Midowga Afrika ee Sahel iyo Geeska Afrika. Waxaa dadaalladiisa qeyb ka ahaa taageeridda dhisidda Hannaannada Djibouti iyo Nouakchott iyo hawlgalinta Xarunta Isku Duwista iyo Xog-wadaagista ee Geeska Afrika, oo ah nidaam lagu xoojiyo iskaashiga gobolka ee u dhaxeeya hay’adaha amniga ee qaranka.

Danjire Karie ayaa sidoo kale taageeray hawlaha dibloomaasiyadeed ee Midowga Afrika ee Libya iyo Sahel,isaogo sidoo kale gacan ka gaystay nidaamka dibloomaasiyadeed ee ka hortagga iyo digniinta xilliga hore ee Midowga Afrika. Wuxuu kaloo hoggaanka Midowga Afrika ku matalay dhawr madal oo caalami ah oo heer sare.

Wuxuu si wanaagsan ugu hadlaa luuqadaha Faransiiska, Carabiga, iyo Ingiriisiga, isagoo la imaanaya khibrad hodan ah oo xoojin doonto dadaallada Midowga Afrika ee horumarinta nabadda, xasilloonida iyo dadaallada dawlad-dhiska Soomaaliya.

Share this content