AUSSOM waa hawlgal beddelaya ATMIS, waxaanna taageeray Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AU PSC) markay ahayd 1-da Agoosto 2024 waxaanna waajibiyay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey markay ahayd 27-ka Disembar 2024 sida uu dhigayo Qaraarka Tirsigiisu yahay 2767, iyadoo muddada bilowgana ay tahay 12 bilood. Hawgalka AUSSOM waa natiijo ka soo baxday dadaal iskaashi ballaaran oo ay ka qaybqaateen Dowladda Federaalka ee Soomaaliya (DFS), Midowga Afrika, Qaramada Midoobey (QM) iyo bah-wadaagta caalamiga ah. Hannaanka waxaa ka dhashey boosas ku habboon sida ku xusan CONOPs iyo soo-jeedinta Wadajirka ah. Hawlgalka AUSSOM wuxuu xoojin doonnaa guulihii nabadda iyo amniga ee uu ku tallaabsadey hawlgalka ATMIS tan iyo 1-da Abriil 2022, taageeri doonnaa hirgelinta qorshayaasha SSDP iyo NSA si uu ciidamada ammaanka Soomaaliya ugu suurageliyo in ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadaha amniga marka la gaaro 2029.
Bishii Juun 2024, mas’uuliyiin ka socday Midowga Afrika, DFS iyo bahwadaagta caalamiga ah ayaa ansaxiyay dokumentiyo muhiim ah – CONOPs-yada dib loo saxay iyo Soo-jeedinta Wadajirka ah – bixinta qorshe hawleed (roadmap) dhisidda hawlgalka AUSSOM, soo afjaridda wada-xaajoodyo socday muddo sannad ah.
Ansaxinta dokumentiyada muhiimka ah ee ku qoran faahfaahinnada ku saabsan waajibaadka, nakhshadda iyo maalgelinta hawlgalka cusub ayaa lagu xusay soo gebbogabeynta wadahadallada u dhaxeeya Kooxaha Farsamada ee ka socday Midowga Afrika, DFS iyo daneeyayaasha caalamiga ah si ay isugu waafaqaaan qaabka guud ee hawlgalka cusub kaas oo marka dambe mas’uuliyadaha amniga ku wareejin doonna ciidamada amniga ee Soomaaliya.
24-kii Sibtembar 2024, Janaraal Cheick Dembele, Madaxa Qaybta Hawlgallada Taageerada Nabadda ee Midowga Afrika / Head of AU Peace Support Operations Division (AUPSOD), iyo Graham Maitland, Agaasimaha Qaybta Bariga Afrika ee Waaxda Hawlgallada iyo Arrimaha Nabad-dhisidda iyo Siyaasadda ee QM, ayaa hoggaaminayay wefdi isku-dhaf ah oo ka socday Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay kuwaas oo booqasho toddobaad qaadatey ku yimid Soomaaliya. Waxaa ay wadahadallo heer-sare ah la qaateen mas’uuliyiinta dowladda, wakiillada bulshada rayidka ah iyo bahwadaagta caalamiga ah ee Soomaaliya ku sugan si ay ugu wadahadlaan qaab-dhismeedka, nakhshadda iyo maalgelinta AUSSOM.
Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AU PSC) ayaa markii ugu horreysay oggolaadey in ciidamada Midowga Afrika ay ka hawlgalaan Soomaaliya sanadkii 2007. Hawlgalkan waxaa waajibiyay Golaha Ammaanka QM tan iyo markaasina, ciidamada Midowga Afrika ayaa waxaa dib-u-cusboonaysiin joogto ah loogu sameynayay waajibaadkooda. Waajibaadkii ugu dambeeyay waxaa uu dhammaadey 31-kii Disembar 2024.