Muqdisho, 22 Febraayo 2025 – Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa ku maamustey ciidamada Uganda sida ay ugu heellanaayeen iyo ka-qaybgalkooda nabad iyo xasillooni ku soo dabaalidda Soomaaliya.
Askartan, ka socota Kooxda Dagaalka XL (40) ee Ciidanka Difaaca Dadka Uganda (UPDF), ayaa billado iyo shahaadooyin ku guddoomay xaflad qurux badan oo Jimcihii ka dhacday Muqdisho.
Taliyaha Ciidamada AUSSOM, Sarreeye Guud Sam Kavuma ayaa guddoominayay xafladda oo ay ka soo qeybgaleen saraakiil sarsare oo ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika iyo taliyeyaasha UPDF.
Sarreeye Guud Kavuma ayaa ku ammaanay askarta, oo dhameystay socdaalkooda shaqo ee halka sano ah, sida ay ugu guulaysteen fulinta waajibaadka AUSSOM, kaas oo mudnaanta koowaad siinaya ilaalinta rayidka iyo horumarinta nabadda iyo amniga.
“Waxaan doonayaa in aan ugu hambalyeeyo Kooxda Dagaalka 40 ee uu hoggaamiyo Kornayl Topher Magino shaqada wanaagsan ee ay qabteen intii lagu guda jiray sanadkan oo ay shaqeynayeen,” ayuu yiri Sarreeye Guud Kavuma.
“Waxaad si dhow ula shaqeysay guutooyin iyo kooxo dagaal kale si kor loogu qaado nabadda iyo amniga qaranka iyo dadka Soomaaliyeed.”
Kooxda Dagaal ee XL (40) ee waqtigeedu dhammaaday, ayaa Soomaaliya la keenay bishii Janaayo 2024, waxaanna loo xilsaaray in ay sugaan ammaanka goobaha muhiimka ah, sida Muqdisho, Ceel Jaalle, Buufow, Jannaale, KM67, Shalamboot, iyo Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Taliye Ku-xigeenka Guutada Uganda Korneyl Christopher Tumwine ayaa bogaadiyay guulihii ay gaareen kooxda dagaalka ee waqtigeedu dhammaadey, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen in ay guulo ka gaareen howlgallada wadajirka ah ee ay la sameeyeen Ciidamada Ammaanka Soomaaliya, ilaalinta waddooyinka muhiimka ah ee saadka, ka hortagga Walxaha Qarxa ee Macmalka ah, la talinta ciidamada amniga maxalliga ah, iyo ka qaybqaadashada hawlaha iskaashiga rayidka iyo millatariga (CIMIC).
“Waxaan ku ammaanayaa Kooxda Dagaalka XL guulahooda cajiibka ah ee ay soo hooyeen. Waad ku mahadsan tihiin sida aad ugu heellan tihiin taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo ilaalinta mabaadi’da nabadda iyo amniga.,” ayuu yiri Kornayl Tumwine.
Taliyaha Guutada Uganda ee AUSSOM Taliye Sarreeye Guuto Joseph Ssemwanga, Sarkaalka Maamulka Guutada Kornayl John Mark Ssemanda iyo Taliyaha imaan doonnaa ee Kooxda Dagaalka XLIII (43), Kornayl Robert Koch ayaa ka soo qaybgaley xafladda.