Hoggaanka AUSSOM

Qaraarka tirsigiisu yahay 2767 ayaa waajib shaqo uga dhigaya Midowga Afrika in ay dejiyaan qaab-dhismeedka lagama maarmaanka u ah talisyada iyo xakameynta, isku-dubbaridka hawlgalka ciidamada, iyo go’aan qaadasho la isku-dubbaridey oo hoos yimaada Taliyaha Ciidanka iyo Taliyayaasha Qaybta.

Hawlgalka AUSSOM waxa madax ka noqon doonna Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, kaas oo qayb kasta ay si gaar ah u hoos imaan doonta, Taliyaha Ciidankana waa in uu ka yimaadaa Dalka Ciidamada ugu badan Ku Deeqay Hawlgalka, isaga/iyada ayaa si cad u maamuli doona/doonta dhammaan ciidamada hawlgalka.

Share this content