Waajibaadka AUSSOM

Sida uu Golaha Ammaanka QM qabo, hawlgalka AUSSOM waxaa waajibaad ku ah in uu:

  • Ka taageero DFS in ay wiiqdo awoodda Al-Shabaab iyo kooxaha lala xiriirinayo ISIL/Daacish
  • Mudnaansiiyo ilaalinta dadka shacabka ah
  • Taageero sii xasillinta Soomaaliya iyo suuragelinta mudnaanaha qaran-dhiska, oo ay ku jiraan karti dhisidda ciidamada amniga iyo booliska Soomaaliyeed iyo wareejinta nidaamsan ee mas’uuliyadaha amniga ee Soomaaliya
  • Wax ku biirriyo, isagoo isuduwid dhow la yeelanayo hay’adaha samafalka, abuurista xaalado amni oo ku habboon bixinta gargaarka bani’aadamnimo.

Hawlgalka oo hirgelinaya waajibaadkiisa, ayaa AUSSOM wuxuu sidoo kale qaban doonnaa dhowr hawlood oo muhiim ah, oo ay ku jiraan bixinta taageerada la siiyo ciidamada amniga ee Soomaaliya si ay u wiiqaan awoodda Al-Shabaab iyadoo la carqaladeynayo dhaqdhaqaaqiisa iyo xadidaadda in uu helo maaliyad sharci darro ah; taageeridda ciidamada amniga Soomaaliya iyadoo la isuduwayo awoodaha la dagaallanka; caawinta ciidamada amniga Soomaaliya iyadoo uu sugayo amniga hannaannada siyaasadeed ee dhammaan heerarka kala duwan, si waafaqsan Qorshaha Xasillinta; taageeridda iyo caawinta ciidamada amniga Soomaaliya si ay u sii wanaajiyaan u diyaar-garowga mas’uuliyadaha amniga ee buuxa ee waafaqsan qorshaha SSDP; ka taageeridda ciidamada amniga Soomaaliya sugidda amniga xarumaha dadweynaha muhiimka ah ee la isku waafaqay, oo ay ku jiraan magaalo-madaxyada Dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka, xarumaha muhiimka ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee muhiimka ah, sida garoomada diyaaradaha iyo dekedaha; ilaalinta hawlwadeennada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, xarumaha iyo hantida; mudnaansiinta dadka shacabka ah; iyo ka taageeridda ciidanka booliska Soomaaliyeed sugidda kala dambeynta dadweynaha, amniga gudaha iyo ilaalinta bulshooyinka.

Hawlaha kale ee muhiimka ah waxaa ka mid ah in uu ciidanka booliska Soomaaliyeed siiyo talo ku saabsan dejinta siyaasadda, diyaarinta manhajka tababbarka, iyo tababarka takhasusiga ah, oo ay ku jiraan hoggaaminta iyo maamulka waafaqsan heshiiska; bixinta taageero farsamo oo la siiyo ciidanka booliska Soomaaliyeed ee loogu talagalay dib-u-habeynta iyo horumarinta ciidanka booliska; dejinta istiraatiijiyado gaar u ah hawlgalka, oo ay ka mid yihiin ilaalinta dadka rayidka ah iyo carruurta, iyo sidoo kale jadwallada tababarka ee loogu talagalay hawlwadeennada hawlgalka ee Qaabka Guud ee isla-xisaabtanka iyo U-hoggaansamidda  Midowga Afrika (AUCF).

Hawlgalka AUSSOM ayaa sidoo kale xaqiijin doonna dalalka hawlgalka ku deeqay ciidamada in ay waajibaadyadooda u gutaan si waafaqsan jaangooyada hab-dhaqanka, anshaxa iyo sharciga caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada iyo xuquuqul insaanka, iyo sidoo kale Qaabka Guud ee Anshaxa iyo Hab-dhaqanka Midowga Afrika (AUCF); kala shaqeynta QM hirgelinta Siyaasadda Daryeelka Waajibka ah ee Xuquuqda Aadanaha (HRDDP); fududeynta helidda gargaarka bani’aadamnimada iyo bixinta gargaarka bani’aadamnimada ee waafaqsan mabaadii’da bani’aadamnimada, oo ay ku jiraan isuduwidda xoogagga bani’aadamnimada iyo DFS; korjoogteynta iyo wax-ka-qabashada eedaymaha xuquuqaha aadanaha iyo xadgudubyada sharciga bani’aadamnimada caalamiga ah, xaqiijinta isla-xisaabtanka iyadoo loo marayo ficillada khafiifinta, baaritaanka iyo xallinta; iyo ka taageeridda DFS hirgelinta qorshaha SSDP.

Share this content