Dhoobley, 31ka Disembar 2024 – Ilhaan Jimcaale Cabdi, ardayad dhigata Dugsiga Hoose Dhexe ee Dhoobley oo 14 jir ah, ayaa nolosha u yeelatay isbeddel aad u wanaagsan.
Tan iyo markii ay heshay xirmooyin agab nadaafadeed ah, ayaa Ilhaan waxaa ay dareentay isbeddel qoto dheer oo kalsoonideeda kor u qaadey una suurageliyay in ay xoogga saarto waxbarashadeeda.
“Ka hor inta Kooxda Haweenka La Shaqeysa ee AUSSOM aaney noo soo bandhigin barnaamijka, guryaha ayaan iska joognay. Waxaan aragti xun ka haysaney waxbarashada, laakiin hadda aragtidaasi way is beddeshay, waxaanna iskuulka u tagtaa si joogto ah. Waxaan AUSSOM ugu mahadcelinaynaa in ay noo suuragelisay in aan iskuulka sii dhiganno iyadoo barnaamijkan loo marayo,” ayaa ay tiri Ilhaan.
“Waxaan hadda diiradda saari karaa daraasadeyda waxaanna ku riyoon karaa mustaqbalkeyga,” ayaa ay hadalkeeda ku dartey iyadoo uu wejigeedu ka muuqdo dhoolacadeyn.
Ilhaan waxa ay ka mid tahay 270 gabdhood oo wax ka barta Dugsiga Hoose Dhexe ee Dhoobley kuwaas oo ka faa’iidaystey barnaamij towjiihin soconaya muddo saddex-sano ah oo ay hormuud ka yihiin Kooxda Haweenka La Shaqeysa (FET) ee AUSSOM iyo Ururka Haweenka Dhoobley.
Kulamada towjiihinta waxaa xoogga lagu saarayaa nadaafadda shakshiyeed iyo is-daryeelka. Ka qaybgale kasta waxaa ay barataa sida loo maareeyo wareegga caadada waxayna helaysaa xirmo nadaafadeed oo ay ku jiraan alaabooyin lagama maarmaan ah sida suufka nadaafadda, saabuunta, iyo agabyada kale ee lagama maarmaanka u ah ilaalinta habboon ee nadaafadda.
“Annaga oo adeegsaneyna towjiihinteenna joogtada ah iyo barnaamijyada waxbarasho, kaliya ma siineyno gabdhaha xirmooyinka nadaafadda laakiin waxaan siinaa aqoonta iyo dhiirigelinta si iyaga oo isku kalsoon u daryeelaan caafimaadkooda, waxaan sidoo kale ku baraarujinnaa in ay ku gaari karaan wax kasta oo ay rabaan waxbarasho,” ayay tiri Saddex Xidigle Valarie Shikuku, sarkaalka arrimaha jinsiga u qaabilsan Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ee AUSSOM.
Gabdho badan oo ku nool Dhoobley, caadada ayaa taariikh ahaan caqabad ku ahayd waxbarashadooda, iyadoo qaar badan oo ka mid ah aysan dugsiyada tagin waqtiga ay caadadu qabaan, taasoo ay ugu wacan tahay dhaqaale la’aan, aqoon la’aan iyo faquuq bulsho. Si kastaba ha ahaatee, iskaashiga ka dhexeeya AUSSOM FET iyo Ururka Haweenka Dhoobley ayaa wax ka qabanaya caqabadahaasi.
“AUSSOM wax badan ayay naga caawisay waxbarashadeena, iyada oo ina siisay agab waxbarasho iyo xirmooyinka nadaafadda shakhsiyeed, waxaas oo dhanna, waan ugu mahadcelinaynaa,” ayay tiri Ikhlaas Ibraahim Carte, oo ah ardayad iyo ka-faa’iideyste.
Si waafaqsan barnaamijka ayaa Kooxda Haweenka La Shaqeysa ee AUSSOM KDF iyo Ururka Haweenka Dhoobley waxaa ay wadeen wacyigelin iyo bixinta taageero wax ku ool ah oo ay siiyaan gabdhaha iyo haweenka bulshada degaanka. Dadaalkan ayaa awood siiyay haweenka iyo gabdhaha Dhoobley, iyadoo la hubinayo in gabdhuhu ay iskuullada dhigan karaan iyagoo aan ka baqeynin ceebta iyo xishoodka la xiriirta caadada.
“Sanadkii hore, gabdho badan ayaa dib ugu soo noqday iskuulka iyaga oo isku kalsoon, sanadkanna, xitaa gabdho badan ayaa ku soo biiraya barnaamijyadeenna, taas oo ay dhiirigelisay aqoonta ah in aysan fasalka uga maqnaan doonin sababo caadada la xiriirra,” ayay tiri Faatima Cabdi, guddoomiyaha Ururka Haweenka Dhoobley.
“Marka aan suuragelinno helitaanka agabka nadaafadda caadada iyo kobcinta jawi taageero leh, waxaan meesha ka saarnay caqabadii ugu weyneyd ee hor-taagneed waxbarashadooda,” ayay raacisay, iyadoo ka hadleysa heerarka hoose ee is-diiwaangelinta gabdhaha ee Dowlad-goboleedyada Soomaaliya (FMS) oo sabab u ah sababo bulsho, dhaqaale iyo kuwo dhaqan.
Qayb barnaamijka ka mid ah ahaan, Kooxda Haweenka La Shaqeysa ee AUSSOM KDF iyo Ururka Haweenka Dhoobley ayaa dhowaan ku qaybtey kulan towjiihin Dugsiga Hoose Dhexe ee Dhoobley si ay u xusaan Maalinta Caalamiga ah ee Carruurta. Waxaa ay gabdhaha ka-qaybgeliyeen nadaafadda shakshiyeed, is-daryeelka – oo ah mowduucyo muhiim ah oo si toos ah u saameynaya iskuul imaanshahooda iyo guusha tacliimeed.
Tababbarayaashooda ayaa sidoo kale ku tabarrucey kubado, agabka kubadda cagta iyo buugaag wiilasha dhigta iskuulka si ay ugu wacyigeliyaan xuquuqda ay gabdhuhu u leeyihiin waxbarashada iyo in la joojiyo faquuqa la xiriira caadada.
“Waxaan si kal iyo laab ah ugu mahad celinaynaa Kooxda Haweenka La Shaqeysa AUSSOM dadaalkooda muuqda ee ay ku wacyigelinayaan ardaydeenna gabdhaha ah. Macluumaadka iyo tilmaanta qiimaha leh ee ay bixiyaan ayaa waxaa ay si weyn u xoojisay ardaydeenna, iyaga oo ku qalabeeyay aqoon ay si fiican naftooda ugu daryeeli karaan,” ayay tiri Sacadiya Madoobe, oo ah macallin wax ka dhiga Dugsiga Hoose Dhexe ee Dhoobley.
Iyada oo la adeegsanayo barnaamijka towjiihinta, ayaa Kooxda Haweenka La Shaqeysa AUSSOM KDF iyo Ururka Haweenka Dhoobley waxaa ay hiigsanayaan in ay kordhiyaan diiwaangelinta gabdhaha iyo in ay yareeyaan ka-reebista dugsiga.
Hadafku waa in la kordhiyo gabdhaha u gudbaya tacliinta sare, oo kor u qaadeysa tirada xirfadlayaasha haweenka ah iyo kobcinta awoodsiinta dhaqaale ee muddada-dheer. Tani ayaa abuureys jiilal gabdho iyo haween ah oo u diyaarsan hoggaaminta, horumarinta, iyo wax-ku-biirrinta barwaaqada bulshooyinkooda.