Muqdisho, 6da Febraayo 2025 – Taliyayaal sarsare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa dhowaan shir ku yeeshay magaalada Muqdisho, si ay u dejiyaan istiraatiijiyadaha hawlgallada wadajirka ah ee weerarrada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Ku-simaha Taliyaha Ciidanka AUSSOM Sarreeye Gaas Marius Ngendabanka ayaa ku soo dhaweeyay Xarunta-dhexe ee Ciidanka saraakiisha ugu sarreysa hay’adaha amniga ee Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raage, iyagoo si qoto dheer uga wada hadlay sii wanaajinta isku-xirka iyo horumarinta hawlgallada wadajirka ah.
Labada mas’uul ayaa waxaa ay ku nuuxnuuxsadeen xoojinta iskaashiga milatari ee ka dhexeeya ciidamada XDS iyo AUSSOM si loo sii ambaqaado guulihii laga gaaray Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (ATMIS).
Kulanka ayaa qayb ka ah kulamo taxane ah oo socdey tan iyo markii hawlgalka AUSSOM uu bilowday 1-da Jannaayo 2025.
Waxaa ka soo qaybgaley Taliye Ku-xigeenka Ciidanka AUSSOM ee ka mas’uulka ah Taageerada iyo Saadka, Sarreeye Gaas Peter Kimani Muteti, Taliyaha Ciidanka Milatariga AUSSOM Sarreeye Guuto Kindu Gezu, iyo saraakiil kale oo ka tirsan AUSSOM iyo CDS.
Kulanka taliyayaasha ugu sarreeya ciidamada militeriga ayaa yimid ka-dib hadalkii dhowaan ka soo yeeray dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in ay dib u bilaabayso hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Qaraarka Golaha Ammaanka ee QM ee uu tirsigiisu yahay 2767 (2024) ayaa ciidamada AUSSOM u waajibinaya in ay ka taageeraan DFS hoos u dhigista awoodda Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan ee xiriirka la leh, oo qayb ka ah hannaanka xasillinta.