Mogadishu – Lixdan (60) askari oo isugu jira Militari iyo Booliis oo ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa dhawaan soo gaba gabeeyay tababbar shan maalmood socday oo ujeedadiisu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa aqoontooda ku aaddan doorka muhiimka ah ee haweenku ku leeyihiin nabad-ilaalinta.
Tababarkan, oo ay soo qaban qaabisay Qaybta Ilaalinta, Xuquuqul Insaanka iyo Jinsiga (PHRG) ee AUSSOM ayaa loogu talagalay Cidda Laga La Xiriiro Arrimaha Jinsiga iyo Hogaamiyayaasha Kooxda Ka-qaybgalka Dumarka, ayaa diiradda lagu saaray sidii aragtiyaha jinsiga loo dhexgelin lahaa hawlgallada hawlgalka si kor loogu qaado sinnaanta jinsiga iyo u-dhammaanshaha.
Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AUSSOM, Danjire Maxamed El-Amine Souef, ayaa hoosta ka xarriiqay doorka muhiimka ah ee hawlwadeennada AUSSOM ay ku leeyihiin ilaalinta xuquuqda haweenka iyo carruurta marka ay hawlgallada socdaan.
“Waxaan leenahay door gaar ah oo aan ka ciyaarno marka ay timaado ilaalinta xuquuqda haweenka iyo carruurta ee goobaha colaadaha. Ilaa hadda, waan ku qanacsannahay dadaalka aad gelinaysaan, waxaana ku kalsoonnahay in aad si ka sii wanaagsan wax uga qaban doontaan,” ayuu yiri Danjire Souef oo ka hadlayay xafladda furitaanka tababbarka.
Danjire Souef ayaa xusay in AUSSOM ay bixiso ka hor inta aan la keenin iyo tababaro ku saabsan sidii loo qalabayn lahaa shaqaalaha aqoonta ku saabsan Sharciga Caalamiga ah ee Bani’aadamnimada, Sharciga Xuquuqul Insaanka Caalamiga ah, iyo qalabyada kala duwan ee caalamiga ah ee hagaya hawlgaladooda. Intaa waxaa dheer, iyadoo la raacayo Siyaasadda Ka Taxaddaridda Xuquuqul Insaanka, AUSSOM waxay baaris buuxda ku sameysaa shaqaalaha la meelaha la geeyo si loo xaqiijiyo diiwaankoodii hore ee ku lug lahaansho la’aanta xadgudubyada xuquuqda aadanaha.
Madaxa Qaybta Ilaalinta, Xuquuqul Insaanka iyo Jinsiga (PHRG), Dr. Cumar Calasow ayaa sheegay in tababarkan looga gol leeyahay in sare loogu qaado aqoonta saraakiisha ee arrimaha jinsiga iyo ka qeyb qaadashada haweenka ee nabad-ilaalinta.
“Waxaan dhammaanteen ku boorrinayaa in aan ka faa’iidaysano wixii aan baranay oo aan ku dabaqno shaqadayada u doodista sinnaanta jinsiga. Waa in aan sii wadnaa wacyigelinta sinnaanta jinsiga iyo u doodista siyaasadaha kor u qaadaya xuquuqaha haweenka,” ayuu yiri Dr. Calasow oo xafladda xiritaanka ka hadlay.
Tababarku wuxuu ku saabsanaa dhinacyada muhiimka ah, oo ay ku jiraan ajendaha Haweenka, Nabadda iyo Amniga iyo tiirarkiisa, waajibaadka AUSSOM iyo dhexgelinta arrimaha jinsiga hawlgallada AUSSOM. Mawduucyada kale ee laga hadlay waxaa ka mid ahaa ka ilaalinta haweenka iyo gabdhaha tacaddiga ku saleysan jinsiga, dhiig-miirashada galmada la xiriirta iyo xadgudubka.
Sarkaalka Sare ee Arrimaha Madaniga ah ee AUSSOM Fadil Karrar ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda tababarka si ay hawlwadeennada AUSSOM ugu suurageliyaan in ay arrimaha jinsiga ku dhex daraan shaqadooda iyo la dagaalanka xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed.
“Tababbarkan waxaa uu fursad qaali ah siiyay ka qaybgalayaasha si ay u helaan xirfado kor loogu qaadayo sinnaanta jinsiga iyo xuquuqda haweenka iyo gabdhaha iyo fududaynta fulinta waajibaadkooda shaqo ee goobta,” ayuu yiri Karrar.
Sarkaalka Lagala Xiriirayo Arrimaha Jinsiga ee ciidanka Kenya ee ka tirsan AUSSOM, Saddex Xidigle Gakenia Kagocha oo ku hadlaysa magaca ka qaybgalayaasha, ayaa tiri: “Waxaan baraney xirfado la xiriira hawlahaasi kuwaas oo naga caawin doona in aan awood siinno haweenka iyo ragga Soomaaliyeed inta lagu jiro hawlgalkan AUSSOM, Saldhigyadayadeenna Furiimaha Hore ee kala duwan, kuwa mustaqbalka la keeni doono iyo dalkeenna.”