Taariikh-nololeedka Danjire El Hadji Ibrahima Diene “Boly”

Mudane El Hadji Ibrahima Diene “Boly”, oo dhashay 3-dii Oktoobar 1967, ahna muwaadin ka soo jeeda Senegal, ayaa tan iyo 21-kii Abriil 2025 ahaa Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM). Wuxuu leeyahay waayo-aragnimo baaxad weyn leh ee dhinacyada milatariga, dibloomaasiyadda iyo hawlgallada nabad ilaalinta.

Ka hor intaan loo magacaabin Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika, Mudane Diene wuxuu soo qabtay xilka Madaxa Shaqaalaha ee Xafiiska QM ee Bartamaha Afrika (UNOCA) muddadii u dhaxeysay 25-ka Disembar 2023 ilaa 26-ka May 2025.

Ka hor inta uusan ku biirin UNOCA, Mudane Diene wuxuu noqday Ku Simaha Madaxa Shaqaalaha ee Hawlgalka QM ee Xasilinta ee Mali (MINUSMA) muddadii u dhaxeysay 5-ta Jannaayo 2023 ilaa 22-ka Disembar 2023. Muddadii uu u shaqeynayay MINUSMA, wuxuu qabtay xilal kala duwan sida:

  1. Madaxa Xafiiska Gobolka ee Kidal – 2-dii Agoosto 2022 ilaa 4-ta Jannaayo 2023. Wuxuu isla xilkan qabtay sanadkii 2017.
  2. Madaxa Xarunta Hawlgallada Wadajirka ah – 1-da Luulyo 2019 ilaa 1-da Agoosto 2022.
  3. Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo La Taliyaha Gaarka ah ee Madaxa Shaqaalaha – 24-ka Oktoobar 2018 ilaa 1-da Luulyo 2019.

Ka hor inta uusan ku biirin MINUSMA oo uu ka hayay xilka Madaxa Xarunta Hawlgallada Wadajirka ah muddadii u dhaxeysay 1-dii Agoosto 2015, wuxuu Hay’adda QM ee OCHA ka noqday Isku Duwaha Arrimaha Shacabka iyo Milatariga, muddadii u dhaxeysay Luulyo 2013 ilaa Agoosto 2015.

Mudane Diene wuxuu leeyahay waayo-aragnimo ballaaran ee dhinaca milatariga, isagoo noqday duuliye diyaaradeed iyo Sarkaal Milatari oo sare oo ka tirsanaa Ciidanka Cirka ee Senegal muddadii u dhaxeysay 1989 ilaa 2013. Muddadii 24-kii sanadood ee uu ku jiray milatariga, wuxuu qabtay xilal ka duwan ee dhinacyada farsamada, hawlgallada iyo istaraatijiga gudaha iyo dibadda Senegal, isagoo kasbaday waayo-aragnimo xooggan iyo aqoon sare oo la xiriirta colaadda iyo hababka xalinta mashaakilaadka ee Bariga, Bartamaha iyo Bariga Afrika. Wuxuu ka qeybqaatay hawlgallo nabad ilaalineed oo dhawr ah, sida kuwii ka jiray Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Congo (DRC) iyo Syria.

Mudane Diene wuxuu haystaa dhawr shahaadooyin jaamacadeed ee heerka labaad iyo dibloomooyin ku saabsan cilmiga milatariga, culuumta siyaasadda, culuumta dhisidda iyo duulista diyaaradaha iyo maareynta barnaamijyada.

Share this content