Qaybta rayidka ah

AUSSOM

Qaybta rayidka ah waxaa ay yeellan doontaa 85 shaqaale laga billaabo 1 da Janaayo 2025, si ay gacan uga geystaan taageeridda iyo iskudubbaridka hawlaha xassilinta iyo qaran-dhisidka.

Kooxaha rayidka ah waxaa ka mid ah  taageerada Hawlgalka, Kooxaha Qaybaha, iyo Cutubyo goon u jiri kara.

Sida ku xusan waajibaadka AUSSOM, dhammaan hawlwadeennada madaniga ah iyo kuwo ciidanka ah waxaa laga filayaa in ay u hoggaansamaan jaangooyada hab-dhaqanka, anshaxa iyo sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan sharciga bani’aadamnimada iyo sharciga xuquuqul insaanka ee waafaqsan Qaabka Guud ee Anshaxa iyo Hab-dhaqanka Midowga Afrika (AUCF), iyo kala shaqeynta QM hirgelinta Siyaasadda Daryeelka Waajibka ah ee Xuquuqda Aadanaha (HRDDP).

Waajibaadka wuxuu AUSSOM u sii igmanayaa hawlaha korjoogteynta jaangooyada hab-dhaqanka iyo anshaxa, xadgudubyada xuquuqul insaanka, iyo ku xadgudubka sharciga bani’aadamnimada, iyo qaadista tallaabooyin habboon sida khafiifinta, baarista iyo xallinta lagu xaqiijinayo isla-xisaabtan.

Hawlgalka AUSSOM ayaa sidoo kale dejin doonna istiraatiijiyado hawlgalka gaar u ah oo ku saabsan ilaalinta dadka rayidka ah iyo ilaalinta carruurta, iyo sidoo kale jadwallo tababbar oo loogu talagalay shaqaalaha hawlgalka ee ku saabsan AUCF.

Waajibaadka wuxuu ku baaqayaa xoojinta hababka khafiifinta ee lagu aqoonsadey HRDDP iyo AUCF, oo ay ku jiraan Dabagalka Khasaaraha Soo Gaara Dadka Shacabka ah, Unugga Falanqeynta iyo Wax-ka-qabashada (CCTARC), wuxuunna AUSSOM ku boorinayaa ka hawlgelinta CCTARC guud ahaan dhammaan qaybaha iyagoo kaashanaya xoogagga bani’aadamnimada, xuquuqul insaanka iyo ilaalinta.

Share this content