Muqdisho, 7-da Maarso 2025 – Ciidamada Militariga iyo Booliska Gaana ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa ugu dabaaldegay sanadguuradii 68-aad ee ka soo wareegatay xornimada dalkooda maalintii Khamiista munaasabad si qurux badan loo agaasimey oo ka dhacdey magaalada Muqdisho.
Gaana waxaa ay taariikhda gashay 6-dii Maarso 1957-kii markaas oo ay noqotay waddankii ugu horreeyay ee ka hooseeya Saxaraha Afrika ee xornimada ka qaata gumaystihii Ingiriiska taas oo sababtey dhaqdhaqaaqyada xornimo-doonka ee ka bilowday qaaradda oo dhan ah. Sanadguurada sanadkan waxaa lagu xusay mowduuca, “Dib u milicso, Dib u eegis iyo Dib u habeyn”.
Taliyaha Ciidanka AUSSOM, Sarreeye Guud Sam Kavuma, oo guddoominayay dabbaaldegga, ayaa ammaanay doorka muhiimka ah ee Gaana ay ka geysanayso nabadda iyo ammaanka Afrika iyo guud ahaan caalamka.
“Ballanqaadkiinna ku aaddan maamulka, dib-u-habaynta amniga iyo taageerada saadka waa qayb muhiim ah oo ka mid ah geeddi-socodka ballaaran ee xasilinta, ha ahaato door ciidan ama door rayid,” ayuu yiri Sarreeye Guud. Kavuma, kaas oo sidoo kale amaanay horumarka la taaban karo ee Gaana ka gaartey adkaynta dimuqraadiyadda iyada oo loo marayo doorashooyin xor iyo xalaal ah, kala-guurka xagga awoodda ah oo nabdoon, iyo horumarinta dhaqaalaha.
Taliyaha Booliska ee AUSSOM, Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Booliska (AIGP) Hillary Sao Kanu, ayaa ku ammaantay ciidanada nabad-ilaalinta Gaana adeegga gaarka ah iyo xirfad-yaqaannimada ee ay ku taageerayaan dadaallada xasilinta Soomaaliya iyada oo loo marayo hawlgalladii ka horreeyay AUSSOM, ah kala ahaa AMISOM iyo ATMIS.
“Saraakiisha booliska Gaana ayaa door muhiim ah ka ciyaaray xasilinta aagag ay colaado ka jireen, tababbarida saraakiisha booliiska maxalliga ah iyo ilaalinta bulshooyinka nugul. Soomaaliya, saraakiisha booliska Gaana waxay soo bandhigeen waxqabad ku dayasho mudan, shaqo adag iyo xirfadlenimo, ilaalinta anshaxa iyo niyadda kooxda,” ayay tiri taliye AIGP Kanu.
Ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga, ayaa iftiimiyay doorka Gaana ay ka qaadanayso nabadda caalamka iyo hoggaanka QM, isaga oo dhiirigelinaya dhaxalka cajiibka ah ee uu ka tagay xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Koofi Anaan.
“Kaalinta Gaana ee nabadda iyo xasilloonida ayaa sidoo kale lagu caddeeyey sida weyn ee ay ciidamada, Booliska, IPOs, sarkaalkiil hawlwadeenno ah iyo hawlwadeennada madani ah u geysay hawlgallada nabad-ilaalinta ee Cote D’Ivoire, DR Congo, Jamhuuriyadda Congo, Lubnaan, Laybeeriya, Sierra Leone, Suudan iyo halkan Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku darey Zenenga.
Xafladda oo lagu soo bandhigay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ee Ciidamada Booliska Gaana ee ka tirsan AUSSOM iyo filim dokumenteri ah oo muujinaya safarkii xorriyadda Ghana, ayaa waxaa ka soo qayb galay madax badan oo ka tirsan AUSSOM iyo saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Qurat Ul-Ain Sadozai; Taliye ku xigeenka Booliska AUSSOM, Martin Amoru; Taliyaha Ciidanka Militariga ee AUSSOM, Sarreeye Guuto Kindu Gezu; iyo madaxa jaaliyadda Gaana ee Soomaaliya, Dr. Seth Appiah Mensah.