
WAR SAXAAFADEED
(Faafin Degdeg ah)
AUSSOM PR/15/2025
Muqdisho: Ciidanka Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) iyo kuwa Xoogga Soomaaliyeed ayaa si wadajir ah dib u xorreeyey magaalada Bariire, oo ku taalla koonfur galbeed caasimadda Muqdisho.
Hawlgalka wadajirka ah oo dhawr maalmood socday ayaa waxaa qeyb ka ahaa weerar dhulka ah oo lagu qaaday maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo canaasiirtooda. Ciidanka isku dhafka ayaa bartilmaameedsaday goobo ay ku dhuumaleysanayeen Al-Shabaab, iyagoo khasaare laxaad leh gaarsiiyay kooxda argagaxisada.
Muddadii toddobaadka ee uu hawlgalka socday, in ka badan 100 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa la dilay, halka kuwo kale oo badan la gaarsiiyay dhaawacyo halis ah.
Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene ayaa ammaanay nafhurnimada ay muujiyeen ciidanka AUSSOM iyo kuwa qaranka Soomaaliyeed si ay u xasiliyaan Soomaaliya.
“Maanta waa maalin wayn marka laga hadlayo hawlgalka aan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed kaga caawinaynno sidii ay u sugi lahaayeen amniga gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo dhibbane u ahaa xasillooni darrada maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee sida sharci darrada ah u hubaysan. Kama baaqsan doonno go’aankeenna ah inaan nabad waarta iyo amni ku soo dabbaalno Soomaaliya oo idil,” ayuu yiri Danjire Diene.
Taliyaha Ciidanka AUSSOM, S/Guud Sam Kavuma ayaa ciidanka midaysani ugu hambalyeeyey hawlgalka najaxay, oo uu ku tilmaamay mid xaaladda wax wayn ka baddalaya.
“Waxaan ammaanayaa dadaallada geesinnimada leh ee geesiyaasheenna ciidanka UPDF AUSSOM iyo kuwa Qaranka Soomaaliyeed ay ku wiiqayaan awoodda Al-Shabaab. AUSSOM waxaa si buuxda uga go’an hirgelinta Qorshaha Kalaguurka Soomaaliya, kaas oo hadafkiisu yahay sidii ciidanka amniga Soomaaliyeed loogu wareejin lahaa mas’uuliyadaha amniga,” ayuu yiri.
Taliyaha Guutada Ciidanka Uganda ee AUSSOM, S/Guuto Joseph Musoke Ssemwanga, ayaa qiray halyeynimada ciidanka, isagoo xorraynta Bariire ku tilmaamay guul wayn ee hayaanka Soomaaliya ay ugu jirto nabad waarta iyo amni.
“Qabsashada Bariire waa dharbaaxo kale oo wayn oo soo gaaray Al-Shabaab iyo guul wayn oo u soo hoyatay ciidanka UPDF AUSSOM, kuwa Qaranka Soomaaliyeed, Dawladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka,” ayuu yiri S/Guuto Ssemwanga.
Ciidanka wadajira ayaa gacanta ku dhigay hub tiro badan oo ay horey maleeshiyaadku ugu adeegsan jireen ku weeraridda dadka rayidka ah iyo burburinta goobaha muhiimka ah ee ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoose.
Gacan-ku-dhigidda magaalada Bariire ayaa xigta dib u qabashadii magaalooyinka Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose bishii Juun.
Ka hor intaan dib loo xorraynin, Al-Shabaab ayaa magaalada istaraatiijiga ah u adeegsan jirtay goob ay ka soo qaaddo weerarrada argagaxisada ee ay ka fulin jirtay gobolka iyo caasimadda Muqdisho.
AUSSOM iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa haatan sugaya amniga magaalada la xorreeyey iyagoo fulinaya hawlgallo baaritaanno oo ay ku siibayaan halista unugyada argagagxisada ee ku harsan deegaanka iyo nawaaxigiisa.
_______________
Wixii faahfaahin dheeraad ah la soo xiriir:
Email: Atmismediacenter@gmail.com



