Qaybta ciidanka militeriga waxaa ay ka koobnaan doontaa 12,626 askari ilaa 31 Juun 2025-ka oo loogu talagalay wejiga koowaad ee hawlgalka ka dibna 440 askari ayaa la dhimi doonaa marka taariikhdan la gaaro. Midowga Afrika waxaa uu hawlgelin doonnaa 11,146 askari wejiga 2aad laga bilaabo 1-d Luulyo 2025 ilaa 31-ka Disembar 2025. Fikradda Hawlgallada (CONOPs) waxay sawirinaysaa kala-guurka iyo ciidan dhimista hawlgalka ee ku aaddan ka bixidda kama dambeysta ah ee bisha Disembar 2029. Ciidan dhimistu waxaa ay tixgelin doontaa xaaladda amni ee ka jirta Soomaaliya, oo ay hagaan qiimeyn farsamo wadajir ah oo joogto ah.
- Qaybta Koowaad –waxaa ka mid ah gobolka Banaadir, oo ka kooban qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha Hoose.
- Qaybta Labaad –Iyadoo ay xarunteeda dhexe ay tahay magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay saldhig howlgaleed ku leedahay magaalada Dhoobley, qeybtan waxa ay mas’uul ka tahay gobollada Jubbada Hoose, Shabeellaha Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.
- Qaybta Saddexaad –Qaybta waxaa ka mid a gobollada Bay, Bakool iyo Gedo.
- Qaybta Afaraad – Waxaa ay ka kooban tahay gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.
- Qaybta Shannaad – Qaybtan oo saldhigeedu yahay gobolka Shabeellaha Dhexe, xarunteeda hawlgalka ugu weynna waxay ku taallaa magaalada Jowhar.
Ciidamada AUSSOM waxaa uu waajib ka saaran yahay: –
- ka taageeridda ciidamada amniga Soomaaliya wiiqidda awoodda Al-Shabaab iyo kooxaha xiriirka la leh ISIL/Daacish, iyadoo la carqaladeynayo xorriyadooda dhaqdhaqaaqa iyo xaddidaadda in ay helaan maaliyad sharci-darro ah;
- taageeridda ciidamada amniga Soomaaliya iyadoo loo marayo isuduwid iyo kaalmo xeeladeed ee awoodaha dagaalka;
- ka taageeridda iyo ka caawinta ciidamada amniga Soomaaliya sii wanaajinta u diyaar-garowgooda in ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadaha amniga ee waafaqsan qorshaha SSDP;
- ka taageeridda ciidamada amniga Soomaaliya sugidda amniga xarumaha dadweynaha ee muhiimka ah ee la isku waafaqay, oo ay ku jiraan caasimadaha Dowlad-goboleedyada iyo federaalka, iyo xarumaha muhiimka ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee muhiimka ah sida garoomada diyaaradaha iyo dekedaha;
- ilaalinta hantida, xarumaha iyo hawlwadeennada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey.
Haddii uu dhaco khilaaf gudaha ah, ciidanka AUSSOM waxaa laga doonayaa in ay siyaasad ahaan noqdaan kuwo dhexdhexaad ah iyo in ay mudnaan siiyaan ilaalinta dadka shacabka ah.
TCCs waxaa lagu dhiirrigelinayaa in ay keenaan ciidan haween ah si loo xaqiijiyo ka-qaybgalka macnaha leh, taabogalka ah ee buuxa ee haweenka ee guud ahaan hawlgalladiisa iyo dhexgalinta dhinacyada jinsiga gudashada waajibaadkiisa.