Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya ahna Madaxa Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa bogaadiyay kaalinta Ciidamada Difaaca Uganda ee dadaallada nabad-dhisidda Soomaaliya.
Danjire Diene ayaa booqday Qeybta Kowaad ee AUSSOM, oo ay ka howlgalaan ciidamada Uganda, ka dib kormeerkii shaqo ee uu ku tagay Qeybta labaad ee AUSSOM ee Kismaayo, oo ay sidookale ka howlgalaan ciidamada Kenya.
Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM ayaa waxa ay masu’liyadiisa amni hayan Gobolka Banaadir ee fariisinta u ah dowladda Federaalka iyo sidookale gobolka beeraleyda ee Shabeellaha Hoose.
“Kadib booqashadii aan ku tagnay Qeybta Labaad, maanta oo Axad ah waxaan joognaa qeybta koowaad, qeybta koowaad waa goob xasaasi ah, oo ka kooban Muqdisho iyo dhammaan gobollada ku xeeran, waxaan kula kulannay ciidammo dhiiran, oo si wanaagsan loo hoggaamiyo oo marwalba u heellan shaqadooda,” ayuu yiri danjire Diene.
Waxa uu sheegay in dhaqaala ku filan oo loo helo AUSSOM ay utahay hoggaanku mudnaanta koowaad si loo xaqiijiyo in ciidamadu si buuxda loo qalabeeyo si ay si hufan u sugaan amniga Soomaaliya.
“Tani waa sababta annagoo ah hoggaanka AUSSOM, aan ahmiyad gaar ah u siineyno dhinacan fulinta waajibaadkeena,” ayuu yiri danjire Diene.
Intii uu socday kulanka, Madaxa AUSSOM waxaa la siiyay warbixin ku saabsan xaaladda amni ee ka jirta Aagga Mas’uuliyadda Ciidanka (AOR).
Danjire Diene ayaa ku bogaadiyay ciidamada sida ay u garab istaageen ciidamada ammaanka Soomaaliya ee dib ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose Jimcihii la soo dhaafay. Guusha ayaa ka dambeysay kadib howlgal ballaaran oo dhanka cirka iyo dhulka ah oo ay qaadeen AUSSOM iyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha Ciidamada Uganda ee AUSSOM, Sarreeye Guuto Joseph Musoke Ssemwanga ayaa uga mahadceliyey Madaxa AUSSOM garowshiyaha wax qabadyada amni ee Qeybta Kowaad ee ciidamada AUSSOM.
“Danjire Diene wuxuu na soo booqday xilli xasaasi ah, iyadoo Al-Shabaab an saarnay Bariire, maalmo kadib markii laga xoreeyay tuulooyinka Sabiid iyo Caanoole. Dhiirigelintiisa ku aadan sii wadida taageerada Ciidamada Ammaanka Soomaaliya aad ayaan ooga mahadcelinayaa,” ayuu yiri Sarreeye Guuto Ssemwanga.
Danjire Diene ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinayay mas’uuliyiin ka kala socday qeybaha rayidka iyo kuwa milateriga ee howlgalka, oo ay ku jiraan ku xigeenka madaxa AUSSOM, Danjire Mouktar Osman Karie iyo Taliyaha guud ee ciidamada, Sarreeye Gaas Kindu Gezu.



