Muqdisho, 7da Maarso 2025 – Iyadoo loo dabaaldegayo fadliga bisha barakeysan ee Ramadaan, ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), Danjire Mohamed El-Amine Souef, wuxuu maalintii Arbacada ahayd martiqaad Afur ah ku sameeyay xarunta dhexe ee Ciidanka ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadda, Danjire Souef ayaa uga mahad-celiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladaha Ciidamada iyo Booliska ay ka joogaan, Saaxiibada Caalamiga ah iyo shaqaalaha Midowga Afrika taageeradada iyo ballanqaadkii ay u fidiyeen hawlgallada hore, AMISOM iyo ATMIS. Wuxuu ku nuux-nuuxsadey in horumarka ka jira Soomaaliya uu yahay dadaal wadajir ah, wuxuuna ku baaqay in la sii wado wadashaqeynta.
Waxa uu ku soo dhaweeyay hawlgalka cusub wuxuunna tilaamay waajibaadka, isagoo sheegay in AUSSOM ay ku dhisnaan doonto aasaaskii ay dhidibada u taageen AMISOM iyo ATMIS iyadoo la jaanqaadi doonta isbeddelada dhanka amniga ah iyo awoodaha sii kobaya ee hay’adaha Soomaaliyeed.
Waxaa uu mar kale sheegay ballanqaadka Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxa uuna qiray in wadada ku soo fool leh ay u baahan tahay dulqaad, go’aan iyo in loo midoobo ujeeddada, qiyamka sida gaarka ah macnaha weyn u leh bishan barakeysan ee Ramadaan.
“Dhisidda Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa astaan u ah bilowga wajiga cusub ee dadaalladeenna wadajirka ah. AUSSOM waa in ay sii dhistaa guulaha AMISOM iyo ATMIS iyada oo taageeraysa Qorshaha Kala-guurka ee Amniga Soomaaliya, kor u qaadida maamulka iyo dadaallada xasilinta maxalliga ah, iyo xoojinta wadashaqeynta lala yeelanayo saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah,” ayuu yiri danjire Souef oo ku baaqay wadashaqeyn joogta ah oo lagu taageerayo xasilinta Soomaaliya iyo mudnaanaha qaranka.
“Aan xasuusanno in fadliga bisha Ramadaanku uu inoogu baaqayo in aynu ka fikirno, midowno, oo gacmahayaga u fidinno isu adeegidda. Socdaalka Soomaaliya ee nabadda iyo barwaaqada waa uu sii socdaa, Midowga Afrikana waxa uu weli ku adkaysanayaa sida ay uga go’an tahay taageeridda qarankan weyn,” ayuu hadalkiisa ku darey.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ku hadlayay magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay Midowga Afrika sida hagar la’aanta ah ee ay uga go’an tahay xasiloonida iyo amniga Soomaaliya, isagoo dhanka kale tilmaamay guulihii ugu dambeeyay ee Ciidamada Amniga Soomaaliya ay ka gaareen Al-Shabaab.
“Waxaan marqaati ka nahay waqti muhiim u ah taariikhda ummaddeenna. Soomaaliya waxay ku tallaabsatay horumar la taaban karo. Waxaan ku jirnaa wadadii dib u soo noolaynta, annagoo si hagar la’aan ah diiradda u saarayna ajandayaasha muhiimka ah ee qaabayn doona mustaqbalka ummaddeenna,” ayuu yiri Wasiirka.
Munaasabadda ayaa waxaa isugu yimid mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Bare Maxamuud; iyo La-taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Sheekh Cali.
Marti sharaf kale oo ay ka mid ahaayeen Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Aisa Kacyira; Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktas; Safiirka Kenya ee Soomaaliya, Kubai Iringo; Wakiilka Urur Goboleedka IGAD, Maxamuud Cabdi Axmed; iyo Sii-hayaha Safaaradda Uganda.
Waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay wakiilo ka socday dalalka Ingiriiska, Shiinaha, Talyaaniga, iyo Agaasimayaal badan oo ka kala socday Wasaaradaha, Waaxaha iyo Hay’adaha kala duwan ee DFS.