Ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya ayaa xusay Maalinta Tarehe Sita ee 44aad

Muqdisho, 8da Febraayo 2025 – Ciidamada Uganda ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya  (AUSSOM) ayaa qabtay waxqabadyo militeri-madani (CIMIC) is daba joog ah oo lagu xusayo Maalinta Tarehe Sita oo sanad walba la xuso 6-da Febraayo.

Ciidamada ayaa xero caafimaad bilaash ah iyo hawlo nadaafadeed ka sameeyay magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu xasuusanayo halgankii hubeysnaa ee Ciidanka Wax-iska-caabinta Qaranka, ee uu hoggaaminayay Yoweri Museveni, kaasoo soo afjaray maamul xumadii ka jirtay Uganda.

Taliyaha Ciidanka AUSSOM, Sarreeye Guud Sam Kavuma, ayaa daadihinayay munaasabadda oo ay ka soo qayb galeen Taliyaha Guutada Ciidanka Uganda, Sarreeye Guuto Joseph Musoke Ssemwanga, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Dadka Uganda (UPDF) ee ka tirsan hawlgalka AUSSOM iyo Ciidanka Ilaallada Qaramada Midoobay (UNGU).

G. Kavuma, oo ku hadlayay magaca Madaxa AUSSOM, Danjire Mohamed El-Amine Souef, ayaa carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee xiriirka rayidka iyo militariga ee ku aaddan horumarinta nabadda iyo amniga goobaha ay colaadda ka jirto.

“Waxaan dhammaan taliyayaasha iyo hoggaamiyeyaasha ugu baaqayaa in ay xasuusnaadaan in maalinta Tarehe Sita aysan ahayn maalin caadi ah; waa munaasabad gaar ah oo ina xasuusinaysa xiriirkeenna taariikhiga ah, loo bareeray, ee istaraatiijiga ah ee aan la leenahay dadka Uganda iyo Afrika,” ayuu yir S. G. Kavuma, isagoo intaas ku daray in ciidamada Uganda ee loo diray Soomaaliya ay ka dambeysay ruuxa raadinta nidaam guud oo ay Afrika yeelato (Pan-African).

“Waxaan ognahay in Uganda aysan marnaba nabad ku naaloon karin marka ay deriskeeda dhibaato haysato, waana sababta aan nafta ugu hurno in aan aadno Soomaaliya iyo meelo kale.”

Dabaaldegga 44aad  ee Maalinta Tarehe Sita ee lagu qabtey magaalada Muqdisho ayaa hal-ku-dheg looga dhigay: U-dabbaaldegidda Midnimada Afrika (Pan-African) iyo Naf-hurka Shacabka ay u Muujiyeen Halganka loo galey Xorriyadda iyo Dimuqraadiyadda ee Isbeddelka Dhaqaale-bulsho. 

Sarreeye Guuto Ssemwanga ayaa iftiimiyay muhiimadda ay maalintu leedahay, oo astaan u ah isbeddelka bulsho-dhaqaale ee UPDF ee sanadihii la soo dhaafay iyo doorka muhiimka ah ee ay ku leedahay horumarinta nabadda Afrika oo dhan.

“Uganda, iyada oo adeegsanaysa UPDF, ayaa waxaa ay sii waddaa in ay door muhiim ah ka ciyaarto nabadda iyo xasilloonida gobolka, gaar ahaan Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo. UPDF ayaa weli ah la hawlgale muhiim u ah ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, fallaagada, iyo khataraha kale ee xuduudaha,” ayuu hadalkiisa ku darey Sarreeye Guuto Ssemwanga.

Intii lagu guda jiray daah-rogga hawlaha CIMIC ee maalintii Arbacada, Sarkaalka Maamulka ee Guutada Uganda (CAO), Gaashaanle Sare John Mark Ssemanda, ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada joogtada ah ee Uganda ee nabadda iyo ammaanka Soomaaliya.

“Maalintaan, waxaan qabanaa howlo kala duwan, oo ay ka mid yihiin adeegyo caafimaad oo loo fidiyo shacabka, beerista dhir, nadiifinta goobo si aan xiriir dhow ula yeelano shacabka degaanka,” ayuu yiri Gaashaanle Sare Ssemanda.

“Waxaan aad ugu faanaa siyaasadeenna ka UPDF ahaan, taas oo inoo ogolaaneysa in aan si dhakhso ah u dhisno xiriirka aan rayidka la leenahay iyadoo loo marayo waxqabadyada rayidka iyo militeriga.”

Xerada caafimaadka ayaa si bilaash ah daawayn gaar ah ugu siisay bulshooyinka degaanka ee u dhow AUSSOM Basecamp, iyada oo wax ka qabanaysa arrimo caafimaad oo kala duwan oo ay ka mid yihiin dhiig-karka, sonkorowga, iyo caabuqyada ku dhaca neef-mareenka.

“Waxaan kooxda AUSSOM ugu mahadcelineynaa bixinta gargaarka caafimaad ee bilaashka ah. Waxaan aad ugu faraxsannahay sida naxariista leh ee ay u caawinayaan dadka ku nool magaalada Muqdisho. Dawooyinka la bixiyay waa kuwo tayadoodu ay aad u wanaagsan tahay, waana soo dhaweynaynaa taageeradooda,” ayuu yiri Gaashaanle Sare Abuukar C/llaahi Isaaq, oo ka mid ah dadkii ka faa’ideystay xerada caafimaadka.

Waxqabadka nadaafadda ayaa laga sameeyay Suuqa Degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan codsaneynaa qalab lagu gubo qashinka oo naga caawinaya in aan si sax ah qashinka uga takhalusno,” ayay tiri Sucaada Nur, oo ka mid ah ganacsatada suuqa.

Mid ka mid ah hawlahii ugu muhiimsanaa ee loo dabbaaldegay maalintii Khamiista ayaa ahayd hawsha dhir-beeridda, oo uu hormuud ka ahaa Sarreeye Guud Kavuma.

Share this content